Mahadsanid 2018

Sanadkani waxa uu ku dhawyahey gabogabo, waxanan rabnaa inan dib uyara milicsano guulihii isdaba jooga ahaa ee shirkada Brandkii ay gaadhey iyo cashiradii badnaa ee anu ka baraney.

Sanadkani waxaa uu ahaa mid wata dhamaan guulo iyo guuldaraba intaba, waxaanse ku xasuusan doona guulihii aadka u badnaa eenu ka gaadhney inta aanu ku jirney ganacsiga suuq-geynta iyo cashiradii badnaa ee aanu ka baraney, waxayaalaha la xusi karo eenu sanadkan gaadhney waxaa ka mid ah

  • In aanu xarun weyn ka furney magaalada Hargeisa
  • In 5 qof oo cusub ay kusoo biiraan kooxda brandkii kuwaas oo nagu soo siyaadiyey khibrad iyo aqoon aanu u bahneyn
  • Macaamiisheyda oo 30% kor u kacay
  • Mashaariic aad u xiisa badan oo anu ku guuleysaney dhamestirkooda
  • In magacaygu kasoo muuqdey warbaahino badan iyo barayaasha bulshadu isticmaasho
  • In aanu ka qeyb qaadaney gacana ka geeysaney dhacdooyin waaweyn oo ka dhacey dalka sida:
    • Mogadishu Tech Summit
    • Global Entrepreneurship Week Somaliland
  • Ina aanu ka mid noqoney shirkadihii shaqadooda loo riyaaqey ee mar labaad ku guuleysaney qiimo ee ay bixineysa Haayada Innovate Venture

Marka laga imaado guulaha noo suura galey sido kale waxaa barbar socday cashiro aanu ka baraney intaanu shaqada ku jirney waxanan ka xusi karnaa cashiradaas kuwan:

  • In ganacsiga suuq-geynta ama xayaysiinta aad looga baahanyahey dhamaan geeska
  • In 40% shirkadaha yaryarka ee ku jira ganacsiga suuq-geynto ay ku guuldareeysataan qancinta macamiilka taasina ay keentey kalsooni daro macmiilku aanu aminsaneyn awooda shirkadaha xayaysiiska
  • In aanu luminey macamiil dhawr ah taas oo aanu ka baraney cashir ah in anaka laftarkaygu dib u tayayn kusameeno adeegayga
  • Aqoonta suuq-geynta in ay aad ugu koobantahey geeska loona baahanyahey in la baahiyo ama la dhigo macluumad badan oo qeexaya qaababka kala duwan ee wax loo xayaysiiyo.

Maxaanu rajeenaynaa sanadkan cusub 2019 ?

Anakoo guulihii aanu gaadhney sanadkii hore aanu u qadaneyno dhiiri galin sido kale cashiiradii aanu ka baraneyna u qadenayna inaanu ku toostoosino shirkada iyo adeegyadeedaba, waxaa qorshaha noogu jiro hawl badan oo cusub oo aanu leenahey suuqa xeyaysiinta had kusoo dartaan, hadaan xooga ka xuso qorshaysha sanadka cusub waxaa ka mid ah:

  • In aanu dib u sumadeyn iyo nashqadeen ku sameeno astaanta shirkada Brandkii
  • In aanu adeegyo cusub kusoo darno shirkada taas oo kor u qadi donta habka wax loo xayaysiiyo
  • Adeega Casuum oonu daahfuri doono
  • Xirfadlayaal iyo aqoonyahan cusub aanu kusoo dari doona kooxda Brandkii

Sanadkan dhamaanayo wuxuu haa sanad quruxbadan aanu xasuusan doono, waxaanu rajeenayna kaan soo socdana inuu noqdo mid kasii wacan sanadkan, waxaanu dhaman mahad balaadhan u jeedineyna macamiisha, kooxda iyo cidkastoo tageertey shirkada badankii waxaanu idin leenahey,

Sanad cusub oo wanaagsan dhamaantiin, waxaanu diin rajeenaynaa guulo aan xadlaheyn.