Imisa lacag ah ayaan ku shubta Facebook page kayga?

Dad badan ayaa su’aashan ku waydiineya “Imisa lacag ah ayaan ku shubta bogayga facebook yagoo raacinaya waliba su’aalo ay ka mid yihiin hadaan intaa ku shubto imisa Like ayuu helayaa bogaygu”, waxaad mooda in ay xisaabtan ku jiraan oo ay rabaan dhaqaalahey galinayaan in markaba wax usoo celiyo.

Hadaba xaajadu sidaa way ka duwantahey shirkada Facebook lacagta kuma iibiso (likes) ee lacagta marka aad ku shubato waxa uu ku fudeedinayaa in dadbadan arki karaan xayaysiintada lakin dadkaas ayay ku xidhantahey iney waxaaga ka helaa oo (Like) saran iyo inkale waxey kaloo ku xidhantahey waxad bulshada lasoo wadaagtey sida uu dadka u qanciyo ama bogaagu sida ay dadku u arkaan taas ayaa go’aamineysa in qofku (Like) saaro iyo inkale.  Arintan han kuusii faahfaahiyo,

Tusaale waxaad ku shubtey lacag dhan 10$ bogaaga facebook waxaa uu na facebook ku sheegay qiimeyn ah in bogagan arki karaan inta u dhaxeesa 2000 — 5000 qof  isla markiiba waxad iska xisaabsatey in bogaaga ay Like saari donan 5000 oo qof lakin xisaabtaadu way qaldantahey, dadkan arkaya marka kobaad waa qiimeyn (estimation) mahan tiro sax ah, teeda kale dadka arka oo dhan mahan qasab iney ka helaan bogaaga madaamo ay dadku waxyaalo kala duwan xiiseeyan. Tusaale waxad soo xayaysiisay bog ciyaaraha ka hadlayaa aniga ayaana arkey bogaagii aniguna (Like) ma saarayo sobobto ah ma xiseeyo ciyaaraha.

brandkii__728_90_anima

Hadaba sidee baa xayaysiintada facebook dad badan kugu soo jiidi karta?

  •  U xadiid xayaysiintaada dadka aad isleedahey way xiiseenayaan

Mahan inad xayaysiintada aad ka dhigto dadka oo dhan waayo dadka oo dhan wax uma sheegaysid ee kaliya dadka xiiseya ama isticmaalo adeegad bixinayso oo kaliya ku koob (Target audeince) hadii kale waxaa yaraaneyso fursadii ay ku arki lahayeen dadka xiseeyo bogaago madaama aad ka dhigtay cidkaste in ay arki karto

  • Qoonde qarashka kaaga baxaya iyo mudada uu soconayo

Wax yar waxaa lagu helaa wax yar uun, hadii aad kharash fiican galiso waad heli dadbadan oo kugu soo xidhma hadii aad xoga yar galisan sido kale xooga yar ayaa kugu soo xidhmi, marka ogow marwalba dhaqaalaha aad galineyso iyo mudada uusoconayo xayaysiintaasi.

  • Xadiid Gobaha ama deegaanada aad rabto in xayaysiis kaga laga arko

Hadii aad tidhaah aduunko oo dhan ayaa laga arki xayaysiinteyda waxaa yaraaneysa fursada aad ku beegsan laheed dadka xiisenaya adeegaga, sidad darteed kaliya gaar uga dhig goobaha ama deeganada ay joogan dadka xiseenaya adeegaga ama bogaga.

  • Isticmaal sawiro oo yaree qoraalka

Sawiradu waxey soo jiitaan dareenka qofka halka aad kasoo dhigi lahed qoraal dheer oo uu qofku markaba is dhaafin lahaa isticmaal sawiro nashqadeeysan oo qofka soo jiidanaya, waxey arintan kor u qadeysa fursada lagu arki karo xayaysiintada.

Hadii aad u baahantahey in laguu sameeyo qorshe xayaysiin (Social Media Strategy) ood u isticmaashid baraha bulshada, Shirkada BRANDKII ayaa arinta ku fudeedineysa Fadlan Halkan Nagala Soo Xidhiidh.

Add comment