Maxaa ka qaldan xayaysiinta aad Facebook kada kusameeso?

Su’aal ayaa waxa nasoo waydiiyey qof ka mid ah macaamiishayada, inta badana dadku su’aashan way na waydiiyaan sidan ayay su’aashu u dhigantahey.

Bahda Brandkii waxaan rabaa inaad arintan iga jaahil bixisaan, Waxaan bilaawey in aan xayaysiin ku sameeyo bogayga aan ku leyahey Facebook waxaanan ku shubey lacag dhan $100 doolar waxa aan filayay in bogaygu caan baxo dadbadana kusoo xidhmaan/xirmaan sidoo kale aan helo macaamiil badan oo iga timaada dhanka facebook lakin filashadeydu way qaldaneed bogayga waxaa kaliya kusoo biirey (Likes) lakin wax macaamiil iyo dad kasoo falceliya xayaysiinteyda maan arag, Marka su’ashaydu waxey tahey dadkan like ta saaraya bogayga miyaney aheyn dad cadiya mise waa dad been ah oo waxba ima tarayaan hadey kuso biiran bogayga iyo hadii kaleba madaama aysan wax ku kordhinayna ganacsigayga?

Arintan in dadbadan oo kalena ay is waydiinayaan ayaa dhici karto oo ay la yaaban yihin sobabta ay wakhti iyo dhaqaale ugu bixinayaan xayaysiinta facebook lakinse ay wax faa’iido ah kusoo kordhineyn ganacsigooga. Hadaba sidad modeyso uma fududa arintu inta aad lacag ku shubto bogaaga facebook kabacdi aad hesho boqolaal macaamiil iyo dad ku xiran ganacsigaga, qofkaste wuu sameen lahaa arintan hadii ay  sidan u fududahey oo inta uu lacag yar ku shubo ayuu kumanan macamiil ah heli lahaa.

Hadaba maxeynu u baahanahey si xayeysiintena facebook sameen u yeelato? Waxaad hubisa in dhawr kan talaabo aad qaado markaa aad xayeysiin ku sameenayso bogaaga facebook ama ad rabto inaad lacag ku shubto si aad dad u hesho.brandkii__728_90_anima

  • Ogow oo garo cida ay yihiin dadka aad beegsanayso ama aad rabto iney kugu soo xidhmaan
  • Diyaari oo qoondee dhaqaale intee leeg baad ugu talageshey xayaysiintan
  • Maxaad bulshada la hortageysa? Diyaar wax kaa iibsami kara
  • Is waydii maxey bulshadu raban iney arkaan?
  • Qiimeyn ku samee qorshaahaga mar walba oo badal haduuna sameeyn samenayn
  • Ka dhig qormooyinkaga mid bulshadu kasoo war celin karto sida su’aalo oo kale
  • Haku badan xayaysiinta ama wax iga iibsada wayo dadku umeysan iman baraha bulshada iney wax ka dhex iibsadan
  • Muqaalada aad isticmalayso ha noqdo kuwo soo jiidasho leh
  • Isticmaal xunkun ka 10/20/70 oo idhigma [ iib 10%/ madadaalo 20/ aqoon 70% ] waayo dadku madadaalo iyo xog  bey gobahan u imadeen
  • Sidoo kale xadiid gobaha aad rabto in xayaysiintada laga arko

Hadii aad u baahantahey in lagugu sameeyo qorshe barahaaga bulshada (Social Media Strategy) ama aad rabto in laguu maamulo Barahaaga bulshada Shirkada BRANDKII ayaa arinta ku fudeedineysa Fadlan Halkan Nagala Soo Xidhiidh.

Add comment