Ma sameysaa khaladkan marka aad rabtid in laguu sameeyo mareeg (Website).

Marka ugu horeeysa eed u baahato  inaad sameesato mareeg (web design) maxa ku soo deg dega maskaxdaada? hubaal waxa kugu soo dhaco inaad raadiso qof aad garaneyso oo sameen kara mareeg (website), haba kugu soo dhacdo inaad raadiso qof  lakiin se halkeed ka raadisaa qofkaa? waan hubaa inaad qofkaa aad ka raadisid dadka aaad aqoonta u leedahey amaba dadka ka shaqeeyo ururkaga ama ganacsigaaga, hadaba arintaan kaliga kuma heysato ee dad badan ayaa kula mid ah dhib badnaa ka qabsataa sida ay u dooran lahayeen qofka ama shirkada ugu haboon ee u nashqadeen laheed mareegta (websiteka) ganacsigooga ama urur ka ay maamulaan.

Afartan meelood uun bey dadka intooda badan ka fikiraan si ey u helaan adeeg nashqadeenta mareegaha,

1- Qofka ka mid ah shaqalahooda inuu garanayo xirfadan

Dadban ayaa xirfadan nashqadeenta mareegaha garanaya lakin aan u laheyn khibrad dheerad, yagoo ka hawl yareesanaya ayay ganacsato badan shaqalahooda u diraan si ay mareeg ugu sameeyan lakiin ma noqoto mareegtasi mid ka turjumaysa tayada ganacsiga madaama qofka sameenayo uunsan u laheyn khibrad dheerada waxaa uuna ku dhamaada mareeg aan la fahmeyn oo aan tayo laheyn.

2- In ay raadiyaan qof ay aqoon u leeyihin

Muhiim mahaan adeeg walbood u baahato inuu qabto qof aad garanayso sababtoo ah badanka dadka aad garanayso qasaban mahan iney aqoon u leeyihin dhamaan adeegyada aad u bahaantahey, waxaana ganacsato badan ku dhaca iney ku aminaan mareegta (website) ganacsigooga qof ay garasho ku heleen lakin waxay noqota mareeg aan faa’ido kusoo kordhin ganacsiga qofkaas madaama aysan heyn mid macamiishu fahmi karaan sido kale tayadiisu aad u liito kuna adag macamiisha iney sifudud ku gali karan ama aan amni haan fiicneyn oo si fudud xogta looga xadi karo.

3- Qof xirfadle ah uu ku shaqeesta sameenta mareegaha.

Qof kan dhibtiisu mahan sida labadii hore een soo dhafney laga yaaba inuu sameen karo mareeg tayo fiican leh aadna loo fahmi karo aqoonta uu leeyaheyna sameenta mareegyada (website) ay aad u sareeso lakin hal dhib ayaa jiro oo ah heli taanka qofkan, madaama uu ganacsigaagu yahey mid hiigsi fog leh waxyaaba badan oo cusub inad kusoo kordhiso aad rabto ama aad rabto inaad mareegtada balaadhiso waxa adkaaneyso heli taanka qofkan madaama uu haa qof xirfadle iska tagi kara ama iska dhaafi kara shaqadan waxey kugu noqoneysa inad dib u dhisto mareeg cusub oo dhaqaale iyo wakhti kale aad dib u galiso madaama qofkii ta hore sameyay uunsan joogin.

4- Shirkad xayaysiin oo ku shaqeesa dhisida iyo qurxinta mareegyada.

Hadaba waxa aad u baahantahey inaad ku aminto mareegtada ganacsiga qoladan oo yagu ah shirkad ku shaqeesa adeegan xirfad dheerad ahna u leh sameenta iyo qurxinta mareegyada (website) sido kale aad heli karto oo leh meelo loogu soo hagaago wakhti kaste oo wax ka badal aad ku sameenayso mareegtada ganacsi ama mareegtada shakhsi waxa ku fududaanaysa inad shirkadan hesho una sheegto baahidada.

Go,aanka aad qaadaneyso marka aad dooraneyso cida ugu haboon ee ku sameen karta mareeg ganacsi waa go,aan u hor seedi kara ganacsigaaga guul ama khasaaro, markaa cid aad ku aamineyso mareegta ganacsigaagu ha noqoto mid leh awoodii iyo tayadii ay ku qaban lahayeen shaqadaas.

Hadii aad u bahaantahey mareeg (website) tayo leh, Sawir fiicana ka bixin kara ganacsigaga, waxa aad joogtaa xarunta lagu dhiso laguna daryeelo websiteyada ganacsiga. Fadlan halkan nagala soo xidhiidh/xiriir. HALKAN GUJI  ama halkan ka eeg adeegyada aan bixino HALKAN RIIX.

Add comment