Ganacsigaagu ma ubaahanyahey mareeg (website)?

Waxa ay ganacsato badani is-weydiiyeen su’aashan, iyaga oo ka fikiraya heerka aqooneed ee ay u leeyihiin alladaha tiknolojiyada iyo heerka aqooneed ee ay macaamiishodu u leeyihin isticmaalka intarnatka ayaa waxa ay inbadan oo ka mid ahi isku qanciyeen inaysan wakhti xaadirkan ganacsigoogu u baahneeyn mareeg (website).
Hadaba jawaabtu way ka duwantahey sidan, wakhtigan la jooga waxyaabaha ugu muuhimsan dhanka suuq geynta iyo iibka waxa ka mid ah in ganacigu lahaado mareeg (website) taas oo u fududaysa ganacsiga arimahan hoos ku qoran.

1- Sumcad ayay Ganacsiga Siinaysaa.

Casrigan aan joogno dadka intooda badani wax ay wax ka raadiya intarnatka (internet) marka ay alaab ama adeeg u baahdaan, in ganacsigaagu mareeg lahaada waxay u suurogelinaysaa dadka inay si fudud ku heli karaan ganacsigaaga sido kale ay arki karaan alaabta ama adeeg aad bixiso taasina waxay dadka ku dhiiri galinaysa inay ka mid noqdan macmiilkaga.

2- Website-ku waxa uu Ganacsiga u Badbaadinayaa Kharash Badan.

Ganacsiyada qaar ayaa dhaqaale aad u badan ku bixiya sidey u muujin lahaayeen ganacsigooga, iyaga oo sameynaya wadooyin kale duwan; sida inay xayaysiisyo ka sameesteen telefishanada, raadiyaha iyo gooba kale oo badan, Hadaba inuu ganacsigaagu website lahaado waxa ay ku badbaadineysa dhaqaalaha badnaa ee kaga baxayay meelaha kala duwan eed ku xayaysiinaysay ganacsigaga.

3- Waxa uu balaadhinaya suuqaagii iyo macamiishaadii

Hadii aad kaliya u adeegi jirtey dadka dagan xaafada uu ku yaalo ganacsigaagu, mareegtu (websiteku) waxa uu ku sahlayaa inad gaadhi kartid una adeegi kartid dadka aduunka jooga oo dhan si fududna ay ku arki karaan ganacsigaaga iyaga oo guryahooga jooga.

4- Waxa uu ku Madhxinayaa wakhtiga

Sidaad ogtahay waxa aad wakhti badan ku bixisaa inaad sharaxdo ama aad fahansiiso allaabta ama adeeg uu bixiyo ganacsigaaga, in badan oo inaga mid ahna waxa ay dhibsadeen ama ay ku daleen in qof kaste oo cusub ay u sharaxaan ganasigooga ama ay soo dabaacan warqado badan oo ay ku qoranyihiin adeegyada iyo allabaha uu ganacigoogu hayo, taasi waxa xal kugu noqon kara adiga oo ganacsigaga u sameeya mareeg (website) ay ku qeexanyihiin dhamaan adeegyada iyo allabaha uu ganacsigaagu bixiyo, qof walbana halkaas ayuu sifudud uga dheehan karaa dhamaan adeeg yada iyo allabaha uu ganacsigaagu hayo.

5- Waxa uu kor u qaadaya fal celinta macamiishada

Hadii aadan helin felcelin ka timid macamiishada ma ogaan kartid waxa uu ganacsigaagu ku wanagsanyahay iyo waxa uu ku liito, hadii aadan intaas ogaynna waxa dhacaysa inuu ganacsigagu isbadal sameen wayo ama uu kori wayo, inaad website lahaata waxa ay macamiishada u sahleysa iney helaan goob ay kaga soo diri karan waxa ay kala kulmeen ganacsigaaga.

Hadii aad u bahaantahey website tayo leh,Sawir fiicana ka bixin kara ganacsigaga, waxa aad joogtaa xarunta lagu dhiso laguna daryeelo websiteyada ganacsiga. fadlan halkan nagala soo xidhiidh. HALKAN GUJI

 

 

Add comment